Garowe: Dibadbax ay dhigeen maanta qaar ka mid ah shaqaalaha rayidka ee Puntland

Dibadbax balaaran ayey maanta ka Magaalada Garowe gaar kamid ah shaqaalaha rayidka ah ee Puntland waxayna kaga cabanayaan mushahar la’aan iyo imitixaan dowladu sheegtay in laga qaadi doono shaqaalaha dowladda.

Dibadbaxayaasha oo watey boorar ay ku qornaayeen ereyo dareenkooda ay ku ayaa isugu soo ururay fagaaraha Barxadda wayn ee Caasimada Garowe, halkaasoo markii dambe ay warbaahinta kula hadleen.

Agaasimaha waaxda maamulka ee Wasaarada Qorsheynta Caduur Aadan Caduur oo ku hadlayey afka shaqaalaha ayaa sheegay in dowladu wado qorshe la doonayo in shaqada looga fariisiyo qaar kamid ah shaqaalaha dowladda oo muddo dheer soo shaqeynayey iyadoo marmarsiinyo laga dhiganayo imtixaan lagu hubinayo tayada iyo aqoonta shaqaalaha, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Caduur ayaa dhanka kale sheegay in shaqaalaha dowladu dulman yihiin islamarkaana xuquuqdooda la siin isagoo ugu baaqay Madaxweyne Gaas inuu il gaar ah ku fiiriyo cabashada shaqaalaha.

Dibadbaxan oo ah kii ugu horreeyey ee noociisa ah o oka dhaca Caasimada Garowe wuxuu kusoo aadayaa xilli in badan oo kamid ah shaqaalaha dowladu muddo bilo ah wax mashaharaad ah qaadan.

Shaqaalaha hay’adaha garsoorka (Maxkamadaha) ayaa maalintii sideedaad shaqo joojin ku jira waxayna sheegeen inaysan shaqada soo geli doonin ilaa iyo inta xuquuqda ka maqan laga siinayo.

Caduur oo la xiray

Xukuumada ayaa xabsiga u talaabtay Agaasimaha waaxda maamulka ee Wasaarada Qorsheynta Caduur Aadan Caduur.

Dhagayso Cabashas Mudaharaadayaasha

1255

1256

1257

1258

 

Puntlandes.com

About The Author