RW Cumar Cabdirashid: “Waxaan dardar-galinayaa helitaanka Siyaasad xasiloon oo isfaham leh, si loo gaaro aragtida 2016”

Muqdisho, 24, Dec. 2014 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke ayaa maanta waxaa horgeeyey golaha Shacabka Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, si ay u siiyaan codka kalsoonida kadib markii uu Madaxweynuhu magacaabay 17-kii bishan.

1259

Ra’iisul Wasaare Sharma’arke ayaa Barlamaanka ka hor akhriyey khudbad ka hadlaysa waxyaalaha u qorshaysan xukuumadiisa, iyo qaab ka ay noqonayso xukuumada cusub oo soo dhiso doono.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inuu ahmiyada kowaad siinayo arrimaha nabad galyada, iyo in dalka Soomaaliya uu gaaro isku filaansho dhanka amniga ah, taas oo loo marayo dhisida ciidan qaran oo tayo leh.

“Marka aan helo kalsoonidiina, waxaan ballanqaadayaa inaan soo dhiso Xukuumad loo dhan yahay. Xukuumaddaas oo noqon doonta mid matasha qeybaha kala duwan ee Shacabka Soomaaliyeed, isla markaasna leh karti, aqoon, hufnaan, khibrad iyo firfircooni. Hadafka Xukuumadda aan soo dhisidoono, wuxuu noqon doonaa, in la hormariyo, lana higsado, gaaritaanka Isku-filnaasho dhanka Amniga, Dhaqaalaha iyo Adeegyada Bulshada sida ugu dhakhsida badan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadiisu noqon doonto mid ay kala dhaxayso wada shaqayn dhamaan Hay’adaha dowaldda, si loo helo xasilooni siyaasadeed oo dalka ka saari karta marxalada uu hada kujiro, loona xaqiijiyo hirgalin aragtida 2016.

“Barnaamijka xukuumadda aan soo dhisidoono ka sokow, aniga oo kaashanaya Madaxweynaha,Hoggaanka Golaha Shacabka, Xildhibaanada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, waxaan dardar-galinayaa helitaanka Siyaasad xasiloon oo isfaham leh, una dhaxeysa Madaxda Soomaaliyeed heer Federaal iyo heer Dawlad-goboleedba, si dib loogu hanto kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed.Helitaanka Xasiloonida iyo isfahamka Siyaasaddu, wuxuu lafdhabar u yahay jiritaanka qaranimada Soomaaliya” ayaa yiri RW Cumar oo dhanka kalana xusay in xasilooni la’anta Siyaasaddu.ay halis gelin karto, Qaranimada, Dawladnimada, Horumarka, iyo Sharafta Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, caqabadna ku noqon karta bisaylkii siyaasadeed ee aan gaarnay sanadihii lasoo dhaafay

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda F. Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahadceliyey xubnaha golaha shacabka codka kalsoonida ee ay siiyeen Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid, isagona sheegay in uu balan qaadayo inay wada shaqayn buuxda dhex mari doonto isaga iyo Ra’iisul wasaaraha tixgalina uu sii doono go’aamada golaha wasiirada isagoona sheegay inuu ku difaacayo sarreynta sharciga.

“Waxaan idinka mahadcelinayaa ansixinta Ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia oo aan u soo magacaabay Danjire Cumar oo kalsooni aan ku qabo inuu howlaha harsan dhameystiri karo, sidoo kalena uu sii wadi karo howlihii labadii sano ee lasoo dhaafay lasoo qabtay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan oo ugu baaqay R/Wasaare Cumar inuu degdeg ugu hawlgalo dhisidda xukuumad cusub si loo gaaro hadafka dalka ee ku aaddan horumar, ammaanka iyo xaqiijinta hiigsiga 2016.

–DHAMAAD—

Puntlandes.com

About The Author