Xaggee ku ogayd Duqii Magaalada Gaalkayo (ma Sweden mise)?

Shalay ayaa waxay warbaahinta madaxabanaan ee Puntlandes.com ay daabacday qoraal ay cinwaan uga dhigatay ”Xaggee ku Ogayd Duqii Magaalada Gaalkacyo” iyadoo sababta ay u soo baacday Qoraalkaasi ay ahayd Cabasho aad u Xoogan oo bilihii u dambeeyey ay ka Cabanayeen shacabka reer Gaalkacyo Gudoomiyaha Degmada ama ´Duqa magaalada Gaalkacyo Cabdicasiis Jaamac Guuleed Nugaal. Waxay waxgaradka reer Gaalkacyood leeyihiin oo ay ka cabanaya in iska daa in uu Gudoomiyihu shaqadii loo igmaday qabtee maba soo xaadiro Xafiiskiisa shaqadii loo Igmadayna waa dayacan tahay. Halkan ka akhri qoraalkii shalay

1251

Hadaba 8 bilood oo uu Gudoomiyaha Degmadu xilka hayey wax yar (maalmo kooban)oo ka mid ah ayaa lagu dhex arkay goobaha shaqada ee Degmada inta kale meel uu ku sugan yahay cid taqaan ma jirto. Shaqada magaalada ee dayacan eedeeda waxay reer Gaalkacyood u haystaas madaxweyne Gaas oo si Musuqmaasuqa ku keenay Kursiga Gudoomiyaha iminka.

Dhanka kale waxaa waraystay Gudoomiye Cabdicasiis Jaamac Guuleed Nugaal Website ka mid ah kuwa ku hadla afka dawlada madaxweyne Cabdiwali Maxamed cali Gaas isagoo Gudoomiyuhu uu sheegay in uu ku sugan yahay iminka Magaalada Gothenburg ee dalka Sweden. Wuxuu kaloo sheegay in uu shirar ugu maqnaa dalalka Kenya iyo Ethiopia. Isagoo Ethiopia ku baranayey sida wadooyinka loo sameeyo Cajiib.

Wuxuu kaloo sheegay Gudoomiye Mr Nugaal in uu Kenya uga qayb galay Barnaamijka hormarinta Degmooyinka ee JPLG,waxaana magaalada Gaalkacyo loo qorsheeyay sanadka 2015 in lagu hormariyo Lacag dhan Saddex Boqol oo Kun oo doolar 300,000 doolar. Aaway lacagtii Canshuurta ee dadka reer Gaalkacyood laga qaaday ma waxaa faan noqotay 300 kun oo la soo baryey iyadoo la cuno tii dadwaynaha looga qaaday in loogu adeego.

Ugu dambayntii Gudoomiyihi wuxuu sheegay in uu dalkii ku noqonayo qiyaastii 15 jan 2015 haddi Allah idmo. Dadka reer Gaalkacyo ayaa ka rajo dhigay Gudoomiye Cabdicasiis Jaamac Guuleed Nugaal in uu shaqadiisa ka soo baxo.

Puntlandes.com

About The Author