Ciidamo Itoobiyaan ah oo la wareegay xarumaha muhiimka ee magaalada Jigjiga

04 Aug 2018 (Puntlandes) Dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo mid siyaasadeed ayaa saaka ka jirta magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, iyadoo xiisadan salka ku heyso kulan uu yeelanayo Baarlamaan goboleedka Soomaalida oo la doonayo in wax looga bedelo qodob ka mid ah dastuurta.

45a3

Xiisadaan ayaa timid kadib markii ciidamo aad u hubeeysan oo Itoobiyaan ah ay la wareegeen xarumihii Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee magaalada Jigjiga.

Meelaha la la wareegay ayaa waxaa kamid ah madaxtooyada DDSI Xaruntii Baarlamaanka iyo Xaruntii Tv-gii ESTV ee ku hadla Afka Maamulka DDSI.

Wali wax war ah lagama hayo xaalka Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar warar aan la xaqiijina waxa ay sheegayaan in ciidamada Itoobiya uu gacanta ugu jiro.

Shacabka ku dhaqan Jig Jiga ayaa si aad ah u hadal haya ciidamadaan saakay ay ku Waabariisteen.

Isbadal dhinacyo badan oo la sii saadaalinayay ayaa dhacay tan iyo markii uu jagada Itoobiyo ku guuleeystay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Itoobiya Dr Abiy Ahmed.

Puntlandes.com

About The Author