Qalaase ka dhashay isku day xariga Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda DFS

04 Aug 2018 (Puntlandes) Ciidamo Boolis ah ayaa saaka gudaha u galay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, si ay u soo xiraan Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Mukhtaar Mahad Daauud.

45a1a

Ciidanka ayaa saartay wasiirka Baabuurkii ay wadteen kadibna Ilaalada xarunta iyo shaqaalaha Wasaaradda ayaa is hor-taagay in Ciidamada Booliska ee sida gaarka u tababaran ay la baxaan Wasiir kuxigeenka, waxaana lagu celiyay albaabka Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Qalalaase iyo rabshad kooban ayaa ka dhashay dhacdadan, iyadoo Ilaalada Xarunta ay dalbadeen in marka hore warqad xasaanad lagala noqonayo loo keeno.

Wasiir kuxigeenka oo la saaray gaari Ciidamada Booliska leeyihiin ayaa la sheegay inuu ka dalbaday ciidamada in gaarigiisa uu fuulo, si uu u raaco, waxaana markii gaariga koray uu ka soo xirtay dhexda, maadaama uu ahaa gaari kuwa aan xabadaha karin.

Xaalada is mariga waaga ahaa ee ka dhalatay xariga Wasiirka ayaa gaartay heer rasaas cirka loo rido, waxaana markii dambe soo farageliyay Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Bashiir oo xarunta tagay, iyadoo markii dambe lagu qanciyay ciidamada inay dib u laabtaan.

Waxaa haatan kulan u socdaa Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda, Taliyaha Booliska iyo Agaasimayaasha wasaaradda, kaasoo looga hadlayo dhacdada ka dhalatay xariga wasiirka iyo isku dayga la doonayay in lagu xiro Wasiir kuxigeenka.

Lama oga ujeedka xariga, hase ahaatee waxaa la sheegay inuu jiray muran u dhaxeeyay Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ku aadan lacago Wasaaradda soo gala oo Wasaaradda Maaliyadda dalbatay inay soo wareejiso,

Puntlandes.com

About The Author