Sawirro: Wararkii u dambeeyey ee Deegaanka Soomaalida Itoobiya

04 Aug 2018 (Puntlandes) Wararkii u dambeeyey ee Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in xaaladu ay kacsan tahay, taasoo ka dhalatay kadib markii Ciidamada dawladda fadaraalka ee Itoobiya ay saaka la wareegeen goobaha muhiimka ah ee magaalada Jigjiga.

Markii shacabku ogadeen Ciidanka magaalada qabsaday ayey waxay sameeyeen mudaharaad rabshado wata, kaas oo ay uga horjeedaan dawladda Itoobiya.

Shacab aad u kacsan ayaa gubay Kaniisad, waxayna bililiqaysteen hanti ay lahaayeen dadka aan Soomaalida ahayn, iyadoo ayna ka dhlatay rabshadaas dhimo ugu yaraan ah 10 qof.

Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Itoobiya (DDSI) mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayey wararku sheegayaan in uu ka badbaaday isku daygii ay saaka ciidamada Itoobiya ku doonayeen inay qabtaan.
Magaalada Jigjiga ayaa waxaa Gacanta ku haya Shacabka iyo Ciidanka  Liyuu Police, halka Ciidamadii Ethiopia dib looga saaray Magaalada.

Daawo sawirrada
45a1a6

45a1a6a

45a1a6a1

45a1a7

45a1a7a

45a1a7a1

45a1a7a2

Puntlandes.com

About The Author