Maxaa ka jira in Cabdi Maxamed Cumar Yahay Madaxwaynaha DDSI?

07 Aug 2018 (Puntlandes) Madaxweynihii Dawlada Deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) ee shalay xilka iska casilay kadin markii Ciidamo dawladda Fadaraalka ka socda galeen caasimadda maamulkaas ee Jigjiga ayaa wararku waxay sheegyaan inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee DDSI.

45a3a8

Madaxweyne Cabdi Maxamed oo saaka ay diyaarad ay leeyihiin Ciidamadu u qaaday xarunta dalka Itoobiya ee addid Ae ayaa wararku waxay sheegayaan inuu dib ugu soo laabtay Jigjiga, isaga oo ah madaxweynaha DDSI.

Jidadka Jigjiga ayaa dad badan ay hadda isugu soo baxeen, waxayna sameynayaan Dabaaldagyo waa weyn.

Waxaa ka socda dabaaldegyo magaalooyinka waawayn ee deegaanka sida Qabridahar, dhagaxbuur, Goday, iyo magaalooyin kale kadib markii ay soo baxday inuu xilka kusoo noqday Cabdi maxamed.

Puntlandes.com

About The Author