Warbixin: Xafiiska hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda oo laga furey Kastamka Tuur-Dibi ee degmada Goldogob (Sawirro Video)

Filed under: Wararka maanta |

08 Aug 2018 (Puntlandes) Agaasimaha Guud ee Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda G/sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), guddoomiyaha gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif (Xasan Abgaaloow) iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Faderaalka  Soomaaliya ayaa si wadajir ah xariga uga jarey xafiiska socdaalka ee Kastamka Tuur-dibi ee degmada Galdogob oo la filayo inuu dhawaan shaqo bilaabo.

Kastamka Tuur-dibi oo ku yaal xadka Soomaaliya iyo Ethiopia ee degmada Galdogob ayaa waxaa hadda ka jira isku socod dadka iyo Gaadiidka ah, waxaana xarig ka jarka maanta uu ka dhigan yahey in Soomaaliya ay soo dhameystirtey dhinaceeda waxyaabihii lagama maarmaanka u ahaa in Kastamkaani uu howlgalo, isla markaana ay diyaar u tahey wadashaqeyn ay wada yeeshaan dhinaca kale ee Ethiopia.

Agaasime Koofi ayaa uga mahadceliyey dawladda Puntland, maamulka degmada Galdogob iyo gobolka Mudug, iyo bulshada ku dhaqan degmada Galdogob kaalinta ay ka qaateen howlgelinta Kastamkaan muhiimka u ah isku socodka iyo ganacsiga labada dhibac.

Daawo muuqaalka

45a4

45a4a
Puntlandes.com