Maxaad ka taqaan xubnaha Golaha Wasiirada ee heysta dhalashada Canada?

08 Aug 2018 (Puntlandes) Inkastoo dowladda Soomaaliya ay la safatay Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo khilaaf diblomaasiyadeed kala dhaxeeya Canada ayaa hadana xubanaha dowladda ku jira sida Golaha Wasiirada, Xildhibaanada labada aqal, taliyeyaasha ciidamada iyo agaasimayaasha qaar waxay heystaan dhalashada dalka Canada.

44d9

Mowqifka Dowladda Soomaaliya ku taageertay Sacuudiga ayaa dhaliyay dood iyo hadal heyn hareysay baraha bulshada, taasoo dad badan ku tilmaaman mid degdeg ah oo fudeed ka muuqday.

Dadka qaar ayaa tusaale u soo qaadanaya hab dhaqanka labada dowladood iyo cida Soomaaliya taageertay, kaddib burburkii dowladda Dhexe, iyadoo Canada ay ku nool yihiin Soomaali fara badan, kuwaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay, heystana dhalashada dalka, qaarkoodna xilal Ka haya, sida Wasiirka Socdaalka dalkaas.

Sidoo kale dowladda Sacuudiga ayaa labaatankii sano ee la soo dhaafay dalkeeda ka soo tarxiishay muwaadiniin fara badan oo Soomaaliya.

Golaha Wasiirada Xukuumada Khayre ayaa ah kuwo badan oo ka mid waxay heystaan dhalashada dalka Canada, hoos ka akhri:

Haddaba akhriso xubnaha Wasiirada ee heysta dhalashada dalka Canada:-

1- Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad
2- Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac
3- Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil
4- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Salaad Oomaae
5- Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamdd Xasan
6- Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Deeqo Yaasiin
7- Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre
8- Taliyaha Nabadsugida Qaranka Xuseen Cismaan Xuseen, 9 Senator iyo Xildhibaano Golaha Shacabka.

Puntlandes.com

About The Author