Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo difaacay mowqifka dowladda ku taageertay Sacuudi Carabiya

09 Aug 2018 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa difaacay mowqifka dowladda Soomaaliya ku taageertay Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo khilaaf diblomaasiyadeed kala dhaxeeya dowladda Canada, kaddib war saxaafadeed ku qornaa afka Carabiga oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya soo saartay.

42

Wasiir Cawad oo wareysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay inay run tahay in dowladda Sacuudiga taageereen, isla markaana ay yihiin dal saaxiib iyo walaal ah, wax badanna ka dhaxeeyaan sida uu yiri.

“Waa run waa ku taageernay dowladda Sacuudiga in arrimiheeda gudaha la faragelin oo la ixtiraamo sida aan ugu taageeri laheyn dalka Canada in arrimaheeda gudaha la faragelin, mowqifka dowladda waa mid waafaqsan qawaaniinta iyo xeerarka adduunka u yaalla, Sacuudiga waa dal walaalo nahay, wax badann naga dhaxeeyaan marka inaan ku taageerno arrimahooda gudaha aan la faragelin ceeb ma ahan, sidoo kale Canada waa dal aan saaxibo nahay, oo aan aad u qadarino”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay inay rajeynayaan in Sacuudiga iyo Canada ay ka heshiiyaan khilaafka diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo 7 Wasiir oo kale ayaa heysta dhalashada dalka Canada, inta badan xubnaha Aqalka Sare ayaa heysta dhalashada Canada, waxaa kaloo jira xubno kale oo ka tirsan hey’adaha dowladda oo iyana heysta dhalashada Canada, waxaa ku jira Taliyaha Nabadsugida Qaranka oo heysta dhalashada dalka Canada.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa ku dhaliilay dowladda Federaalka  ay dhex qashay arrimo aanay quseyn, iyadoo aan ka fiirsan la safatay dowladda Sacuudiga, sidoo kale waxaa eedeyn u jeediyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Puntlandes.com

About The Author