Dhagayso: RW Sharmaarke oo waraysi siiyey VOA

Raysul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo maanta si rasmi ah ula wareegay xafiiska ayaa waraysi uu siiyey VOA sheegay inuu rajaynayo inaan wax khilaaf ah dhexmari doonin isaga iyo madaxweynaha inta ka dhiman wakhtiga dowladda.

Raysul Wasaare Sharmaarke ayaa ku sheegay waraysiga inuu soo dhisi doono xukuumad tayo leh oo ay dhici karto inay ku jiraan wasiiraddii hore. Waxyaalo badan ayuu Sharmarke kaga hadlayaa waraysiga oo ay ka mid yihiin Hiigsiga 2016.

Dhagayso waraysiga RW


Puntlandes.com

About The Author