Dagaalkii Xerada Xalane oo la soo Afjaray iyo qasaarihiisa oo la sheegay

Waxaa maanta Duhurnimadii la soo afjaray weerarkii ay Kooxda Al-Shabaab ku soo qaaday Xerada Ciidama AMISOM ku leeyihiin magaalada Muqdihu. Afhayeenka Ciidamada AMISOM Cali Aaden Xaamud ayaa shaaciyey qasaaraha uu weerarkaasi keenay wuxuuna sheegay in ay ku dhinteen 9 qof oo 5 ka mid ah ay AMISOM yihiin halka 4 kale yihiin Kooxdii weerarka soo qaaday.

Hada xaaladu waa degan tahay waxayna ku soo noqotay caadi waxaana si sugan Xerada gacanta ugu haya Ciidama AMISOM.

Weerarkaas ayaa si isku mid ah u cambaareeyey beesha Caalamka iyo Soomaalida.

Puntlandes.com

About The Author