Warsaxaafadeed: Dawlada Puntland oo si kulul u Cambaaraysay Weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen Xarunta Ciidamada Amisom ee Xalane

Madaxtooyada Dowladda Puntland

War-saxaafadeed

XAF/0048/2014

December,  26,  2014

Dawladda Puntland ee Soomaaliya ayaa waxay si buuxda u canbaareysaa duulaankii ay   ku qaadeen kooxda nabad-diidka ah ee Ururka-Alshaab xarunta ciidmada Amisom ee deegaanka xalane sidoo kale Dawladda Puntland waxay ku amaaneysaa sida geesinimadda leh ee ay iskaga caabiyeen ciidamada Amisom iyo ciidanka Soomaaliya ismiidaamintii iyo qaraxyadii  ay kusoo qaadeey maleeshiyada alshabaab. 

Ugu Danbayn.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa uga direy tacsi dhammaan ciidanka Amisom iyo ciidanka soomaaliya waxyeeladii ka kasoo qaadhey duulaankaasi.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland wuxuu wax laga xumaado ku tilmaameymay shacabkii soomaaliyeed ee meeshaa ku waayey naftoodii isla-markaana Madaxweyne Dr.Cabdi-wali Max’ed Cali Gaas wuxuu u tacsiyeeyey dhammaan shacabka soomaaliyeed ee wax-yeeladu kasoo gaadhey qaraxyadaasi.  

                 Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada Dawladda Puntland
E-mail:
spofgovpl@gmail.com.

About The Author