Madaxweyne Xaaf ”Dowladda Federalka mucaawino kama heyno, tii Beesha Caalamkana dhexd ayay ugashay”

27 Aug 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geedlle Xaaf ayaa  ku dhaliilay Dowlada Federalka inaysan mucaawin isla markaana ka horistaagtay gargaarkii ay beesha caalamka ugu talogaleen Galmudug.

45f1a

Xaaf oo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Dhuusomareeb oo labo bil kadib dib ugu laabtay ayaa sidoo ka hadlay halka ay marayso waanwaantii laga dhex waday ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

“Dowlada Federalka aad iyo aad ayay noo gacan bidxeysay mucaawino kama hayno dhaqaale kama hayno aan isku tashano wax aan sugno beesha caalamka dowladaa dhexda u joogto, noomana gacan furno.”ayuu yiri Axmed Ducaale isagoo ka hadlayay arrimaha dhaqaalaha ee dowlad goboleedka Galmudug.

Dhanka kale madaxweynaha oo ka hadlayay halka uu marayo waanwaantii laga dhex waday ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayuu shaki ka muujiyay waxaana uu sheegay in heshiis la gaaray horaantii bishii hore ay wax iska bedeleen xilli uu ugu maqnaa safar dalka Beljimka.

Daawo muuqaalka

Puntlandes.com

About The Author