Xildhibaanada cusub ee golaha deegaanka degmada Garowe oo maanta lagu dhaariyay guriga gobolka Nugaal

27 Aug 2018 (Puntlandes) Xildhibaanada cusub ee golaha deegaanka degmada Garowe ayaa maanta oo Tallaado ah lagu dhaariyay guriga gobolka Nugaal, iyadoo 26 Xildhibaan oo kamid ah 27-ka Xildhibaan ee golaha deegaanka degmada Garowe la dhaariyay, waxaana dhiman 1 xubin oo lagu wado in saacadaha soo socda lagu soo daro.

45f1a1

Golaha cusub ee degmada Gorowe ayaa u badan dhalinyaro, waxaana ku jira 3 dumar ah, sidoo kale qaar kamid ah xubnihii hore ayaa soo noqday waxaan kamid ah duqii hore ee Xasan Maxamed Ciise (Goodir).

Doorashada duqa cusub ee Garowe ayaa lagu wadaa in ay dhacdo horaanta bisha soo socota ee September oo maalmo ka harsan yihiin.

Ilaa iyo hadda labo musharax ayaa shaaciyay in ay u taagan yihiin duqa degmada Garowe, kuwaas oo kala ah Axmed Siciid Muuse iyo Axmed Abshir Jaamac.

 

Puntlandes.com

About The Author