Issimadii Beelaha Majeerteen ee gobolka Doollo oo kullan la qaatay wafdiga Beeldaajiye Maxamed Beeldaajiye Ismaaciil

29 Aug 2018 (Puntlandes) Isimadii Beelaha Majeerteen ee gobolka Doollo ee dawlad deeganka Soomaalida dalka Itoobiya ayaa waxa xalay casho sharaf u sameeyeen Issimada Beelaha Cali Saleeban oo uu hogaaminayo Beeldaajiyaha Beesha Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Xaaji Cabdulaahi.

45f6a

Issimada Beelaha Cali Saleebaan oo ku sugan magaalada Garoowe. ayaa kullanka ku casuumay Isimada kala ah Amiir Mahamud yusuf, Suldan Abdiqani Suldan Hasan, Suldan abdi-bille Warsame Waaweyne iyo Ugaas Cisman Ibrahim.

Isimada ayaa waxay iska waraysteen xaalada guud ee Puntland ay hadda ku sugan tahay, iyagoo si gaar ah isaga waraystay sidii amniga looga wada shaqayn lahaa Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya iyo sidii loola jaanqaadi lahaa isbedelka ka hana qaaday Jigjiga.

 

Puntlandes.com

About The Author