Madaxweyne Gaas oo xafiiskiisa ku qaabilay Isimada gobolka Doollo & Mudug

29 Aug 2018 (Puntlandes)  Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay Isimada Beelaha Majeerteen ee gobolka Doollo iyo Mudug.

45f6

Kullanka madaxweynaha iyo Isimada ayaa ku saabsanaa kala warqaadasho iyo sidii dawlad deeganka Soomaalida dalka Itoobiya oo shacabku labada dhanba wada degen yihiin looga shaqayn lahaa amniga iyo sidii wax loo wada qabsan lahaa.

Isimadda uu madaxweynuhu la kulmay ayaa kala ahaa Amiir Mahamud Yusuf, Suldan Abdiqani Suldan Hasan, Suldan abdi-bille Warsame Waaweyne iyo Ugaas Cisman Ibrahim.

Kullanka oo uu madaxweynaha ku weheliyey Agaasimaha madaxtooyada dawladda Puntland ayaa kusoo dhamaaday is afgarad waxyaalihii laga wada hadlay.

Puntlandes.com

About The Author