Warbixin-Xog: Ma saanaa Horumarkii, Cadaaladii iyo Isla Xisaabtanka Dr Gaas?

Gaalkacyo (Pes) Waxaa xarunta Wasaarada Caafimaadka Puntland maanta ku soo gabgaboobay wax uu madaxweyne Dr Gaas ugu yeeray ”La Xisaabtanka Xukuumada uu Hogaamiyo” kaasoo bilowday 27 kii dec 2014. Soomaalida ayaa waxay tiraahdaa ”Qowda maqashii oo wax ha u qaban” madaxweynaha Muraadka uu ka lahaa waa QIIQ iSKU QAROIN iyo in marin habaabin shacabka Puntland hadaysan taasi jirin waxaa laga arki lahaa Hogaankiisa oo aan ahayn mid ka tarjumaya Horumarkii, Cadaaladii iyo maamul wanaagíi uu  balanqaaday,

Warbaahinta madaxabanaan ee Puntlandes.com waxa ay go’aansatay si ay u tusto Shacabka reer Puntland iyo kuwa Soomaaliyeed oo Gaas uu iska iibinayo in Xisaabtanka uu sheegayo uu yahay ”BOOR iSKU QARIN” iyo afka baarkiisa waxaa cadayn u ah Gobolka uu ka soo jeedo ee Mudug oo ay Musuqmaasuq baahsan,, Horumar la’aanta, Cadaalad darada baahday ku habsadeen. Madaxweyne Dr Gaas Musuqmaasuqaas ka jira Gobolka Mudug waa la Saaxiib raali buuna ku yahay.

Habada waatan baaritaan qoto dheer oo uu Puntlandes.com ka diyaariyey Musuqmaasuqa Gobolka Mudug:

Waa kuwa kooxda haysataa Gobolka iyo Xaruntiisa?

1-  Xisaabiyaha Guud Maaliyada Gobalka Mudug

1309

Magaca: Maxamuud Cali Yusuf (Gaadayare)

Jufadiisa/Qabiilkiisa: Jufada reer Mahad/Cumar Maxamuud.

Mr Gaadayare wuxuu xilka hayey ilaa aasaskii Puntland ka hor waa in ka badan 16 sano. Waxay dadka reer Gaalkayo u yaqanan Mr Gaadayare Gudoomiyaha qarsoon ee Gobalka Mudug. Xisaabiyaha Guud ee Gobolaka Mudug cidna lama xisaabtanto Waxaa gacantiisa soo gasha dhaqaale aad iyo aad u tiro badan waxa uu u garto ayuu dawlada Puntland u diraa. Waa Canshuurtii dadka reer Mudug laga qaaday wuxuu Gaadayare u isticmaalayo sidii wax uu leeyahay. Mr Gaadayare waxay walaalo yihiin Maxamed Cali Yusuf (Gaagaab) wasiirkii hore ee Maaliyada Puntland soona noqday maxadeyne ku xigeen.

Mr Gaadayare waa nin awood aad u badan ku leh Magaalada Gaalkacyo iyo Gobolka Mudug wuxu shaqada ka cayrshay oo uu ka shaqeeyey in xilka laga cayrsho labadii duq degmo ee ugu waxqabadka badnaa ee soo mara Magaalada Gaalkacyo oo kala ahaa Maxamuud Cabdiraxmaan Cawke (Jufada:reer Mahad/Cumar Maxamuud) iyo Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan (Jufada:reer Cabdille/Cumar Maxamuud) ka dib markay la xisaabtan adag ula yimaadeen.

7004

Mr Gaadayare waa nin musuqmaasuq ku caanbaxay. khiyaamo badan, laaluushkana aad u bixiya. ilaa iyo hada wax uu ka qabtay Magaalada iyo Gobolkaba ma jiraan xataa Xarunta Maaliyada ee Gobalku ma dayactirna, waana meel aad u baaba’san. Mr Gaadayare waxay la tahay in aan laga qaadi karin xilka ummadda ka dhaxeeya maxaa yeelay Soomaalidaa tiraahda ”Baadi kugu raagtay Xoolahaagaad Moodaa” Mr Gaadayare wuxuu u haystaa in uu leeyahay xilkan ka dhaxeeya ummadda Gobolka. Mr Gaadayare kuma imaan xilkan aqoon ee waxaa 16 sano ka hor u magacaabay madaxweynihii hore ee Puntland Allaha u Naxariistee Cabdulaahi Yuusuf. Wuxuuna ku doodaa in AUN C/laahi Yuusuf u qoray Diktreeto Cinwaankeedu yahay ”Waa lama taabtaas Mr Gaadayare cid bedeli kartaahina ma jirto” Mr Gaadayare waa nin aad u Musuqmaasuq badan xataa wuxuu Laaluushaa madaxweynayaaha isagoo wax siinjiray madaxweyne Cade, madaxweyne Faroole iyo kan iminka talada haya Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Mr Maxamuud Cali Yusuf (Gaadayare) wuxuu taako ku yahay ama uu hortaagan yahay Horumarka Gobolka Mudug iyo midnimada dadkiisa.

 

La soco qaybta labaad oo aan ku soo qadanayno Ninka labaad ee Musuqmaasuqa Gobolka Mudug hogaanka u haya

Puntlandes.com

About The Author