Dr Gaas oo ku faanay wax qabad la’aantii sanadkaan iyo fadeexadii ka dhacday hoolka W/Caafimaadka W/Q saliid

Mar ay maanta laanta afka soomaaliga ee BBC:du ka  waraysatay Dr Gaas shirkii TV:ga laga wada daawaday ee ku saabsanaa nimankii u wada ekaa martida lagu casuumay goob majaajilo, Iyana ay jilaaga ka ahaayeen. Qaarkood waxayba ahaayeen kuwo si uga dhacsan waxay meesha u yimaadeen, taasi waxay ahayd maadayska ugu badan. Ileen waa qof su’aalo laga waydiinayo  wuxuusanba  waxba ka ogayn, waana  intooda badan , marka laga reebo wasiiro yar oo fara ku tiris ah.

Websideka Puntlandes baa hore uga faalooday qayb kamid ah fadeexooyinka ka muuqdey meesha.

Haba ugu horaysee wasaarada maaliyada oo aan bixin mushaarkii qaybo badan oo ka mid ah  shaqaalaha. Oo issagu qirtay oo kaliya 29%

Wuxuu Gaas ka yiri idaacadda in ulajeedku ahaa in ay bulshadu ogaato hawsha meesha aan marinayno, oo waliba wuxuu yiri waxaan samaynay base line, oo qofkii 10% joogay in la ogaado  meesha uu uga socday. Anigu qofbaan ahayoo waxaan siin lahaa -90%

Marka uu saas leeyahay hada ogaada wuxuu inoo shegayaa erayo xusuus ah oo uu maqli jirey markuu maraykanka joogay. Sabatoo ah, inta badan  dadka meesha joogay maba ogayn hawsha loo diray meesha ay marayso iska daa in ay sheegaan meeshay kasoo dhaqaajiyeen iyo meesha ay wax u wadaane “KPI”. Wuxuu Gaas yiri si dadku u ogaadaan waxa noo qabsoomay iyo  sababta keentay wixii noo qabsoomi waayey. Waxaa isla maanta xirmay maxkamadihii Boosaaso  oo u xirmay in nalalkii iyo biyihii laga densadey. Waxaan maqalay in hay’adda Baasawayen oo iyadu horre hawl balaaran ugu waday bulshada, ka hor Gaas meesha ka sheegeen in lacagtii awal la siin jirayna laga goostay mid iyaga soo gashayna oo ay markii ku sheegeen 24, 000 § laga qaatay. Waxay wax qabadka ka dhigteena wixii dawladii hore qabatay sida Garoomada diyaaradaha ee Boosaaso iyo Garoowe, Muudada Midagar, Dekedda hawsha ay yiraahdeen waa laga qabtay iyo tii burcad badeedka. Waxaa meesha laga sheegay in Lacag bankiga aduunku siindoono marka AY BUUXIYAAN SHURUUDO AAN MEESHA LAGA SHEEGIN IYO WALIBA SAXIIXA VILLA SOOMAALIYA. Waa cajiibe villa soomaaliya in ay wax hor istaagto mooyee miyaan ka aragnay in ay wax saxiixdo (soo wixii mudada la isku haystay ma aha?). Meesha waxaan ka ogaanay in Shaqaalaha Wasaarda Caafimaadku oo awal hay’adkale Gunno ka qaadan jirey uu xirmi doono inta ka horaysa SUMALKAAN QALIDOONO OO WALIBA AAN SUBAGA LAHAYN .

Taas oo uu Agaasimuhu Wasaarda Caafimaadku oo ka walwalsan Mushaarka ka go’aya shaqaalihiisa ayaa waydiiyey suaal wassirka Maaliyadda isagoo waydiiyey sida ay u maarayndoonaan farqiga soo bixidoona oo ah 1000 iyo dhawr boqol oo ka mid ah shaqaalaha Caafimaadka oo waayi doona gunnadaas. Taas wuxuu Wasiirka Maaliyadu uga jawaabay wax lagu qoslo iyo 1+5=1500, markaan meeshaas faah faahiyo, wuxuu yiri,  Wasaaradiiba waxaa laqiimeey 5 qof iyo intii hore liiska ugu jiray???. Taas oo aan la garan waxa uu ula jeedo. Bal waa la gartay farqi udhaxayn kara dhawr qof iyo in khalad galo tiro 5 iyo 10 iwl, laakiin ma la arkay iyadoo Wasaarada oo dhami ka shaqayso 1700 in la yiraahdo farqi waxaa soo baxay 1500 ah, waa cajiibka iyo waxa ay dawladaan wada PhD haysataa ku faanto.

Anigu qofbaan ahayoo waxaan xaal siiyaa AQOONTA!! markaan arko dawlada Dr Gaas. Hadda ogoow waa kuwii say udhan yihiin isku raacay in baabuurta isteerinka laga badalo midigta, si loo badbaadiyo shacabka.  Bal dadwaynoow Gaas waa kan yiri hana arkeen dadku eh, bal  dib udaawada oo dhagaysta bal waxa meesha ka dhacay. Waxaad moodaa in design;ku u socdo wax bur burin. Maxkamadihii waa xirmeen (halkan ka dhagayo/Akhri faahfaahin), xabsiyadii awalbay afka ciida gasheen, askartii maalin kastay mudaharaadaan mushaar la aan, haddana ma waxaa loo socdaa umulisooyinkii iyo shaqaalihii gargaarka caafimaadka.

Hanala arkuu yiriye wax ka dhaha?

Alla maxaan la yaabaa waxa theory: ga ah ee uu ka tolo tolo siiyo iyo sida aysan isugu dhawayn ficilka meesha ka jiraa.

Hadda ka hor baa wax laga waydiiyey lacagta shilinkii Soomaaliga ahaa ee dhamaatay iyo waxa uu ka qabanayo , markaasuu ku jawaabay ” taasi waxay ka mid tahay waxa aan anigu aad ugu fiicanayahay” markaasuu sharaxaad iyo olyo garaaso iyo mashiino dhaqaaqa oo la subkayo ka tolo tolo siiyeey. Su aasha sharaxaadeeda iyo adiga expert:ga aad tahay waxaa muujinaya waxaad ka qabataye ma muujinayso isfaanin iyo anaa wax aqaan iyo hadal cidla ah oo laga tolo tolosiiyo. Hadaad taqaanid maxaad yeeshay illeen waa su aal taagan oo maalin kasta lagu waydiine. Misse Xamar bay utaalaa sida aad wax kasta oo aad balan qaaday u tiraahdid aniga ii mataalee Xamar bay u taalaa. Hadiise dad aan la dooran oo Xamar jooga ay talada Puntland ka godo, maxaad adigu ku toorantahay???

195

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

 

About The Author