Wasiir Jamaal oo ku guuleystay doorashada kursigii golaha shacabka ee Garowe

07 Okt 2018 (Puntlandes) Wasiirka qorsheynta dowlada federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa ku guuleystay doorashada Kursigii Golaha Shacabka Soomaaliya ee saaka lagu qabtay magaalada Garowe.

47b9

Jamaal Maxamed ayaa ka guuleystay shakhsigii kula tartamayay kursiga isagoona helay codad gaaraya 49 cod, halka laba ka mid ah codadkii la dhiibtay ay xumaadeen, sida ay ku dhawaaqeen gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka.

Maxamuud C/laahi Maxamed oo ahaa shakhsigii wasiir Jamaal uu kaga guuleystay doorashada ayaa soo dhaweeyay natiijada kasoo baxday codeynta doorashada kursiga golaha shacabka inkastoo uu u muuqday shakhsi meesha la keensaday oo iska tartamayay.

Kursiga uu wasiir Jamaal ku guuleystay ayaa horeyba loogu saadaalinayay in uu kusoo baxayo maadama uu kula heshiiyey Xildhibaankii hore ee Kursigan hayey.

Puntlandes.com

About The Author