Madaxweynaha HirShabelle oo kala fur-furay xildhibaanadii mooshinka waday

07 Okt 2018 (Puntlandes) Waraka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Caasimadda HirShabeelle  ayaa waxay sheegayaan in xalay magaaladaasi Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu kulamo gooni gooni ah kula yeeshay Xildhibaanada HirShabeelle oo maalin ka hor mooshin ka gudbiyay.

59

Kulamadaan ayaa yimid kadib markii xildhibaano gaaraya 57 xildhibaan ay Madaxweynaha ka gudbiyeen mooshin, iyaguu ku eedeeyey xil gudasha la’aan.

Madaxweyne Waare ayaa shalay galinkii dambe gaaray magaalada jowhar si uu u dajiyo xaalka jowhar.

Waare ayaa xildhibaanada uu kulanka la yeeshay waxaa uu kala hadlay in ay dib uga noqdaan mooshinka islamarkaasina arinta si hoose loo xaliyey.

Kulamada uu xildhibaanada la qaatay Waare ayaa waxay xildhibaanada kaga dalbadeen in uu dhamaan xaliyo tabashooyinka ay usoo jeediyeen xildhibaanada sida xildhibaano ka tirsan baarlamanka Hirshabeelle.

Ilo ku dhow dhow Xildhibaanada ayaa sheegaya in Xildhibaanada qaar la qanciyay, balse ay jiraan Xildhibaano kale oo ka biya diidan inay ka laabtaan Mooshinkan.

Puntlandes.com

About The Author