Sawirro: Alshabaab oo dadka Muqdisho u qeybisay lacag & Sheekh Cali Dheere oo kasoo dhex muuqday

07 Okt 2018 (Puntlandes) Alshabaab ayaa lacago ay ku sheegtay inay yihiin Sako u qeybisay qaar ka mid ah dadka Muqdisho dagan siday ku baahisay warbaahinteeda.

Dadka wax loo qeybiyey ayaa waxaa loo qabtay xaflad ay kasoo qayb galeen xubno sar sare oo ka tirsan Alshabaab oo uu ku jiro Afhayeenkooda Cali Dheere.

Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin in Meesha ay munaasabadu  ka dhacday inay tahay Muqdisho, haddana waxay Alshabaab  sheegeen goobta meel Muqdisho ka mid ah.

Dadka loo qaybiyay lacagaha Sakada waxay gaarayeen inka badan 200 oo ruux, waxayna lacaguhu kala ahaayeen saddex qaybood oo kala ah 1000$, 500$ iyo qeybta ugu yar oo ahayd 200$.

Dadka Sakada qaatay waxay isugu jireen rag iyo dumar, waxaana kamid ahaa dad waayeello ah kuwaas oo qaarkood xitaa naafo ahaa, waxaana dhamaan dadka qaatay Sakada ay ka sinnaayeen iney ahaayeen dad fuqaro ah.

Cali Maxmuud Raage Sheekh Cali dheere afhayeenka Xarakada Alshabaab oo la hadlay dadka Sakada la siiyay ayaa u sheegay in lacagahan laga soo qaaday dadka muslimiinta ee hantida leh, lana siinayo dadka fuqarada ah. Alshabaab ayaa baahisay in dadka wax loo qaybiyey ay ahaayeen kuwa dagan Muqdisho.

Inta uu khudbeenayey Cali Dheere wuxuu kusoo celcelinayey in dadka wax loo qaybinayo yihiin kuwii daganaa Muqdisho isla markaasna ay duruufta u saacidi waysay inay guryahooda ugu tagaan.

 

Daawo Sawirada

77

77a

77a1

77a2

77a3

77a4

77a5

77a6

77a7

77a8

77a9

77a10

Puntlandes.com

About The Author