Ganacsatada oo kulan degdeg ah ka yeeshay Ammaanka Suuqa Bakaaraha oo faraha baxay (Video-Sawirro)

07 Okt 2018 (Puntlandes) Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta lagu qabtay shir deg deg ah oo ay isugu yimaadeen Ganacsatada gobolka Banaadir, kuwaas oo ka cabanayay dhac iyo boob ay Suuqa  ku hayaan rag hubeesan ku labisan dareeska Ciidanka dowlada.

Ganacsatada ayaa sheegay in xaalada suuqy ay meel aad u xun marayo, waxayna cadeeyeen inay Suuqa kusoo bateen burcad hubeesan oo wata dareeska ciidanka, kuwaas oo dhac u geesanaya ganacsatada iyo dadka ka adeeganaya Suuqa.

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay inay kasoo baxeen waajibkooda ayna bixiyaan canshuurta dowlada ka rabto, hasa ahaatee dowladu dhankeeda gabtay in ay ilaaliso amaanka hantidooda iyo naftoodaba.

Gudoomiyaha Ganacastada Suuqa Bakaaraha Xasan Mirre Dhiif ayaa sheegay in amaanka Suuqa Bakaaraha uu sii xumaaday, waxa uuna sheegay in ganacsatada mar waliba wajahayaan dhac, boob iyo cabsi galin ay kala kulmayaan kooxo burcada ah.

Inta badan Ganacsatadii ka hadashay shirkan maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha ayaa waxa ay si weyn uga cabanayeen dhibaatada mudooyinkii dambe kusoo korortay Suuqa, waxa ayna ganacsatada sheegeen in Suuqa halis ugu jiro in uu xirmo hadii aan deg deg wax looga qaban burcada hubeesan ee xiran dareeska ciidanka dowlada.

Suuqa Bakaaraha ayaa noqday waqtigan goob ay usoo shaqo tagaan kooxo burcad oo inta badan wata gawaari yar yar iyo mooto bajaaj, dawladda Fadaraalkuna waxay ku guuldaraysatay inay ilaaliso hantida Suuqa iyo dadka ka adeegana.

779

779a

779a1

779a2

779a3

779a4

779a5
Puntlandes.com

About The Author