Xildhibaanada Hirshabelle oo ka laabtay mooshinkii ay ka gudbiyeen Madaxweyne Waare

07 Okt 2018 (Puntlandes) Kulan caawa ka dhacay xarunta madaxtooyada Hirshabelle ayaa guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed waxa uu ugaga dhowaaqay in mooshinkii laga gudbiyay Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare laga laabtay.

69a1

Sheekh Cismaan ayaa ku tilmaamay ka noqoshada mooshinka in ay tahay mid ku tuseysa in xildhibaanada Hirshabelle ay marwalba diyaar u yihiin gudashada howlahooda.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo goob joog ka ahaa goobta loogaga dhowaaqayay mooshin ka noqoshada ayaa sheegay inay u ahayd canaan mooshinka isagana uu diyaar u yahay in uu dhagaysto dhaliilaha ay u soo jeedinayaan xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle.

In kabadan konton xildhibaan ayaa labo habeen ka hor waxa ay ka gudbiyeen mooshin xil ka qaadis ah Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, kaas oo ay gadaal ka riixayso dawladda Fadaraalku.

Wararka ka im aanaya Jowhar ayaa sheegaya in dawladda fadaraalku ay mooshinka uga gol lahayd in ay madaxweyne Waare ka reebto shirka ay golaha Iskaashiga dawlad Goboleedyada dalku ku yeelanayaan caasimadda Puntland ee Garowe 10ka bishan.

Puntlandes.com

About The Author