Wasiir Xoosh oo shaaciyey xubnaha ugu saameynta badan NABAD & NOLOL

08 Okt 2018 (Puntlandes)  Wasiirka Dastuurka ee dowladda Federaal-ka Soomaaliya Cabdi Xoosh ayaa banaanka soo dhigay xubnaha ugu saameynta badan ee xildhibaanada ah ee ka mid ah xukumadda Nabad Iyo Nolol.

Xoosh ayaa ku tilmaamay Wasiir ka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Xassan in uu yahay Maxamed Saalax-ha Nabad iyo Nolol, xilli uu ugu hambalyeynayey kursigii Barlamaanka ee uu maanta ku soo guuleystay.

Sidoo kale, waxa uu Lionel Messi ku tilmaamay Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Baare, halka uu Sheekh Nuur ku tilmaamay Neymar.

Wasiirka sii wada sifeynta xubnaha ugu saamaynta wayn Nabad iyo Nolol, waxa uu Cabdifataax Ibraahim Geeseey ku tilmaamay Ronaldo, halka uu Luka Modric ka dhigay Aadan Isaaq, oo ah wasiir ku xigeenka warfaafinta.

Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhallinyarada, Khadiijo Diiriye ayuu ku tilmaamay Eden Hazarda iyo macallinka kooxda Nabad iyo Nolol!

Akhriso qoraalka wasiirka

68

Puntlandes.com

About The Author