4ta kursi ee beesha Cumar Maxamuud ku leeyahay Barlamaanka Puntland

08 Okt 2018 (Puntlandes) Sida la wada ogyahay beel kasta kuraasta ay ka hesho labada Gole waxay u qeybsadaan si meerto ah oo jifaba mar qaadato, mudadii ay jireen golayaashaasi dad gaar ah ayaa kuraasta Cumar Maxamuud la siin jirey.

80

Waxaa nasiib wanaag ah in magacaabiddii Kuraastii federaalka uu soo dhex galay Madaxweynaha Puntland, waxna ka badelay sidii awal lagu qeybin jiray kuraastaas, arrintaas iyo kuwo kale oo u qabtay waxay dhalisay in Cumar Maxamuud isku soo dhowaado, si yaabo badanna wax u wada qabsadaan, sida dhisidda Garacad, nabadaynta dagaalkii hawdka.

Sida dhaqanka u ahayd Cumar Maxamuud wax kasta oo soo dhex mara waxay wax ku qeybsan jireen 4 xarig, laga bilaabo dhalashadii Puntland 1998dii afartaas kursi waxaa ku fadhiyey labo xarig, labadii kale intaas waa samrayeen oo waxay lahaayeen hunguri bay ku dagaalayaan nala oron maayo.

Hadda haddii lagu laabto jidkii hore waa xaqiiqa inaan Cumar Maxamuud arrintaas ku dagaalayn balse waxay dhaawac culus gaarsiinaysaa midnimadii iyo wax wada qabsigii xawliga ku socday, taasina inay ku burburto cadaalad xumo ka timid madaxdeena waa nasiib darro.

Waxaan leenahay arrintaas ha laga fayignaado, oo cadaalada yaan laga tagin, waxa Soomaaliya heerkaas gaarsiiyey waa cadaalad xumo eh.

Puntlandes.com

About The Author