Dhagayso: Dawlada Puntland ”Gudiga maamul samaynta G Dhexe waxay rabaan ha dhisaan, Iskuma mashquulinayno”

Xubno ka mid ah Guddiga Maamul u samaynta Gobolada Dhexe ayaa Warbaahinta ka sheegay in Maamulka Gobolada Dhexe uu ka koobnaan doono Gobolada Mudug iyo Galgaduud oo dhamaystiran.

Jawaabtii ka ay ka bixisay Dawlada Puntland ayaawaxay noqotay in go’aansatay inaysan isku mashquulin hadalada kaso baxaya Guddiga maamul samaynta Gobolada Dhexe,waxaana Puntland ay sheegtay inay ku mashquulsan tahay hormarka dalkeeda iyo dadkeeda,isla markaana aysan ku mashquulayn Gudiga maamul samaynta iyo waxa uu wado. Jawaabtaas waxaa Saxaafadda u sheegay Wasiiru-dawlaha Madaxtooyadda iyo Xiriirka Gobolada Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji.

Sanadkii 2014 ka ee uu bilowgiisii uu madaxweyne Gaas qabtay talada dalka ayaa waxa uu Puntland u ahaa sanadkii ugu xumaa ee soo mara Puntland. Sanadkan cusub na 2015 waxaa aqoonyahanada iyo waxgaradka reer Puntland ka walwalsan yihiin in ay Puntland ishaysandoonto iyo in ay Gobol Gobol iyo Degmo Degmo u kala fur furidoonaan Kooxda talada Villa Somalia haysaa?

Puntland xiligan adag oo Somalia ku jirto ma haysato Hogaamiye adag oo leh oo ka difaaci kara Horarka isku dayaya in uu Cuno. Dr Gaas na ma aha Hogaamiyihii kiú haboonaa Puntland ee xiligan adag waxaadna moodaa in ay Puntland wadadii Bur Burka cagta saartay.

 

Halkan Ka Dhagayso Codka Wasiiru-dawlaha


Puntlandes.com

About The Author