DEG DEG: Dibadbax dhimasho sababay loogana soo horjeedo DFS oo hada ka socda Magaalada Guriceel

Wararka ka imaanaya Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu kasocdo dibad baxyo rabshada wata oo looga soo horjeedo DFS iyo Ururka Damul Jadiid oo ay gacanta ugu jirto talada Dalka.

Dadweyne badan oo banaanbaxaas ka qaybqaadanayey ayaa waxaa rasaas kala hortagay Ciidamo katirsan DFS waxaana rasaastaasi sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku dhintay Rasaasta ay fureen Ciidanka Dowlada Soomaaliya , waxaana ku dhaawacmay dad gaaraya shan qof oo kale kuwaa oo hada lagu daweenayo Isbitaal kuyaala Guriceel.

Xaalada Magaalada Guriceel ayaa wali kacsan, waxaana wadooyinka lagu arkayaa dad badan oo careesam kuwaa oo dhagxaan tuuraya, waxaana dibad baxayaasha ay taageero u muujinayaan Maaamulkii Ahlu Sunna ee laga saaray Magaaladaasi. Dhawaan ayey ahayd markii Ciidama DFS ay xoog kagala wareegeen magaalada Guriceel Maaamulkii Ahlu Sunna oo maamulayey magaalada mudada dheer.

Puntlandes.com

About The Author