Daawo Xildhibaan ka tirsan Barlamanka Sland oo Pland ku amaanay horumarka ay ka wado gobolka Sagaan

04 Nov 2018 (Puntlandes) Muddooyinkii ugu dambeeyay Waxaa Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag kajiray Hormar baaxad leh kaas oo ay ka fulisay Dowladda Puntland, Waxaana Mashaariicdaas ay sii kordheen markii Madaxwaynaha Dowladda Puntland dhawaan socdaal taariikhi ah ku tagay Magaaladaasi.

Hadaba Xildhibaan Bulqaas waxa uu kamid yahay Xildhibaanada Somaliland ee kasoo jeeda Gobolka Sanaag waxa uu isaga oo Hargaysa Jooga amaan kala dul dhacay Dowladda Puntland oo uu sheegay in Degmada Badhan ay Gaarsiisay Hormar Baaxad leh.

Xildhibaankaan ayaa sheegay in uu taageerayo qof walbo oo wax u qabata Shacabkiisa islamarkaana waxa uu xusay in aan la dafiri karin Hormarka Puntland ay gaarsiisay gobolka Sanaag.


Puntlandes.com

About The Author