Odayaasha dhaqanka Koofur Galbeed oo ku dhawaaqay in dib loo dhigay Doorashada KG

06 Nov 2018 (Puntlandes) Odayaasha dhaqanka Koofur Galbeed ayaa waxay ku dhawaaqeen in dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo lagu waday inay dhacdo 17-ka bishan November.

Bayaanka ka soo baxay Golaha Odayaasha Dhaqanka Koofur Galbeed ayaa waxay ku eedeeyeen dowladda Federaalka inay faragelin ku heyso doorashada, iyadoo la safatay Musharaxiin, isla markaana dhaqaale iyo baabuur aan xabado karin ka soo dejisay Garoonka Baydhabo.

Odayaashu waxay ku eedeeyeen dowladda Federaalka in Xildhibaanadii Koofur Galbeed u daabushay Muqdisho, isla markaana lacago laaluush ay siisay, si ay u doortaan Musharaxiin gaar ah.

Odayaasha dhaqanka ayaa soo xigtay qodobka 60aad ee Dastuurka Koofur Galbeed waxay go’aan ku gaareen in dib loo dhigay doorashada Madaxweynaha ee loo balansanaa, inta laga helayo jawi degan.

Sidoo kale Odayaasha waxay caddeeyeen inay marjac u yihiin Maamulka Koofur Galbeed, maadaama markey xaalad la soo gudboonaato Golayaasha dowladda Koofur Galbeed, waxayna noqon karaan Garsoor lagu go’ i markii loo baahdo.

Bayaanka ka soo baxay Golaha Odayaasha dhaqanka Koofur Galbeed ayaa ku soo aadaya, iyadoo war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Federaalka ku fartay Madaxda Koofur Galbeed in aan dib loo dhigi karin doorashada, kuna dhacdo xilligii loo asteeyay.

Puntlandes.com

About The Author