UNSOM oo ka hadashay gaadiid ay leedahay oo lagu rasaaseeyay Cadaado

06 Nov 2018 (Puntlandes) Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobaay ee dalka Soomaaliya(UNSOM) ayaa War-Saxaafadeed ay soo saartay waxa ay ku cambaareysay xayiraad iyo weerar lagu qaaday kolonyo ay leedahay Qaramada Midoobay meel u dhexeysa magaalooyinka Gaalkacyo iyo Cadaado 3dii bishan November.

Kolonyadan ayaa waxaa la socday ciidamo Boolis ah oo ka tirsan Koofurta Gaalkacyo gelinkii dambe ee Sabtidii waxaana meel u jirta 5km magaalada Cadaado ku joojiyay ciidan sheeganayay inay yihiin Boolis balse ma jirin hal askari oo dareeska ciidamada xirnaa.

Hase yeeshee waxaa ay diideen inay gudbaan gaadiidka Qaramada Midoobay oo ay la socdeen koox ka tirsan shaqaalaha Qaramada Midoobay kuwaasoo gogol xaar u ahaa booqashada saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay oo booqan lahaa magaalada Dhuusomareeb.

Kadib markii saraakiisha Qaramada Midoobay ay go’aansadeen inay dib ugu laabtaan magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa dhacday in baabuur ay saarnaayeen maleeshiyada ay rasaas ku fureen kolonyadii QM, balse ma jirin wax dhaawac ah oo soo gaartay ciidamada amaba gaadiidka ay la socdeen shaqaalaha Qaramada Midoobay.

“Weerarkii loo geystey kolonyada Qaramad Midoobay ma aha wax la aqabali karo,waxaana ugu baaqeynaa Maamulka Galmudug iyo Dowlada Federalka in lala xisaabtamo maleeshiyaadka rasaasta ku furay saaxibadeen, weerar noocaan oo kale ahna laguma qaadin shaqaalaha Qaramada Midoobay waqti dheer.”ayuu yiri wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee qaramada midoobay dalka Soomaaliya Nicholas Haysom.

Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ay waajib tahay inay helaan shaqaalaha Qaramada Midoobay marino xor ah oo ay maraan shaqaalaha Qaramada Midoobay.

“Waa inay awood u helaan gudashada waajibaadkooda shaqo ee UNSOM iyo shaqaalaha QM,sanduuqyada iyo barnaamijyada iyagoo aan halis ugu gelin in la rasaaseeyo sabab la’aan.”

Puntlandes.com

About The Author