Sawirro: Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo sagootisay 120 ardayoo deeq Waxbarasho ka heshay dalka Eithopia

06 Nov 2018 (Puntlandes) Wasaaradda Waxbarashada iyoTacliinta Sarre ee Dowlada Puntland ayaa sagootisay 120 qof oo isugu jira arday ka qalin jabisay dugsiyada sare Puntland iyo shaqaale dowladdeed, kuwaas oo dalka Ethiopia looga helay deeqo waxbarasho oo isugu jira Master iyo Bachelor.

Munaasabad lagu sagootinayay ardaydaan oo ka dhacay xarunta Wasaarada dhexe ayaa waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka waxbarashada dowladda Puntland, Wasiir Dowlaha Waxbarashada , Agaasimaha guud iyo Agaasimaha Xafiiska Tacliinta sare Puntland Maxamed Axmed Warsame (Shirdoon)ayaa sheegay in waxbarashadu tahay hanti Islamarkaana qofkii ku dadaala uu helayo miraha iyo natiijada uu usoo halgamay, Isagoona uga digay ardeyda inaysan ku fakarin tahriib iyo waxyaabaha mukhaadaraadka ah.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Puntland Yaasiin Cabdi Seed ayaa kula dardaarmay ardeyda inay kafaa,iideystaan fursadaan oo uu sheegay inay tahay mid dahabi ah oo aysan helin dadkoo oo dhan, Wuxuuna kula balamay 120 ardey ee deeqda waxbarasho loogu diray dalka Ethiopia inay dalkooda wax usoo bartaan Islamarkaana la qabsadaan Jawi ahaan iyo Dhaqan ahaan-ba wadanka ay u socdaan.

Wasiirka waxbarashada dowladda Puntand Dr. Abshir Yuusuf Ciise oo ugu dambayn hadlay ayaa sheegay dowladda Puntland inaydadaal xoogan ugu jirto in kor loo qaado fursadaha waxbarshada ardayda dugsiyada sare iyo shaqaalaha dowladda.

Wasiirku wuxuu ardayda ku booriyay inay ku dadaalaan waxbarashadoooda islamarkaana aysan ku mushquulin waxyaabo kale sida tahriibka oo uu ku tilmaamay dhibaato weyn oo maanta haysata dhalinyarada Puntland.


Puntlandes.com

About The Author