Guddiga Difaaca Golaha Shacabka oo baaraya weerarkii Hotel Saxafi

15 Nov 2018 (Puntlandes) Guddiga Difaaca Golaha shacabka ee Baarlamaanka JFS ayaa magacaabay guddi baaritaan ku sameeyay qaraxyadii jimcihii la soo dhaafay, 9kii Nov 2018kii, lagu weeraray Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Guddiga Difaaca uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Guddiga Xuseen Carab Ciise ayaa lagu sheegay in weerarkaas uu gaystay waxyeelo kala duwan oo isugu jiray, dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in la isticmaalay dareyskii cusbaa ee ciidamada xoogga dalka oo ay wateen dableydii hubeysneyd ee ka tirsaneyd kooxda Alshabaab.

Guddiga ayaa baaritaanka weerarkaas u saaray afar xubnood oo ka tirsan Guddiga difaaca, kuwaasoo xaqiiq raadin ah.

Akhriso qoraalka

Puntlandes.com

About The Author