Maxay tahay sababta ay dawladda Farmaajo ula midoobayso Itoobiya?

19 Nov 2018 (Puntlandes) Waxaa dhawaan gaaray heshiis ay ku midoobayaan dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea, iyadoo la saadaalinayo inay Eritrea ka bixi doonto oo aysan dhab ka ahayn.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sheegay in midowga Soomaaliya & Itoobiya ay Soomaalidu ka faa’iidayso, isagoo ku sababeeyey inay Soomaalidu ka lacag badan yihiin ugana fiican yihiin ganacsiga Itoobiyaanka laakiin madaxweynuhu ma caddayn arintaas wax aan af ka ahayn.

Hamiga Itoobiya

Dhawaan ayaa Taliye ku xigeenka ciidamada Ethiopia General Berhanu waxa uu sheegay in dowladiisu ay qorsheyneyso inay saldhig ciidamada badda ah ka dhisanayso dhawaan Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

 

Taliyaha oo ku dhiiran ayaa ayaa intaas kusii daray in aysan ahayn wax la qaadan karo in Itoobiya oo shacabkeedu Boqol malyan gaarayo aysan lahayn bad “Landlock”, CAJIIB oo imisa dal ayaan Bad lahayn aduunka, akhristoow xuusnow in Farmaajo uu heshiis uu ku wareejiyey Itoobiya 4 dekedadood la galay.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa isna si aan gabasho lahayn maanata u sheegay wadamada Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea ay yeelan doonaan hal madaxweyne oo kaliya, halka ay hadda leeyihiin Saddex Madaxweynehalkan ka akhriso.

Abiy ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu kula heshiiyey inuu la midoobe, wuxuu midowgaas ka caddeeyey madaxweyne farmaajo hortiisa.

Maxay tahay sababtay hadda loo doonayo in la qaato?

Soomaliya ayaa waxa la caddeeyey inuu dhex ceegaago Shidaal kaas oo baaritaan lagu sameeyey Badda Kismaayo ilaa Hobyo lagu ogaaday in Shidaal aad u fara badan uu dhex ceegaago.

Todobaadkii hore ayaa Todobaadka Shidaalka Afrika waxaa lagu soo bandhigay dalka Koonfurta Afrika magaalada Cape Town, waxaana kasoo qayb galay 32 dawladood iyo 72 shirkadood.

Waxaa aad loo xiisaynayey Shidaalka Soomaaliya waxaa lagu soo bandhigay in uu Soomaliya ku jiro badeeda Shidaal ka badan kan  Norway, Sacuudiga iyo Iiraan oo la isku daray.

Shidaalka oo hada dunida aad iuga qaali garoobay ayaa wadama reer galbeedka waxay doonayaan in lasoo saaro, laakiin waxa dabo dheeraatay soo celinta dawladnimii Soomaaliyeed taas bedelkeeda waxay soo jeediyeen in Itoobiya ilaaliso oo badda Soomaaliyeed mas’uul ka noqoto.

Waana sababtay ay Itoobiya u dhisanayso Ciidan Baddeed, madaxweynaha Soomaaliya na wuu ogolaaday isagoo ilaashanaya Kursigiisa.

Farmaajo waxa uu galay khiyaano Qaran, madaama uu dalkii iibsaday Itoobiya oo cadawgeen ahna uu dalkeenii siiyay si ay khayraadkeena iyo dhulkeena isugu darsato.

Horay ayuu Ra’iisul wasaaraha Itooboiya u sheegay in dhulka Soomaaliyeed ay Itoobiya haysato Shidaalka laga soo saaray uu ka siin doono 5% oo kaliya.

Waxaa su’aal ah imisa %, boqolkiiba, ayey Itoobiya Shidaalka Soomaaliya ka siin doonaa Soomaalida?

About The Author