Sawirro: Madaxweynaha Jubaland oo kismayo kusoo dhaweeyay Madaxweynahii hore ee DFS Xasan Sheekh

19 Nov 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweynahii hore ee Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan sheekh Maxamuud oo booqasho ku yimid Jubbaland.

Labada Madaxweyne ku xigeen gudoonka Baarlamaanka xubno katirsan golaha Wasiirada iyo qaybaha kale ee Bulshada ayaa qayb ka ahaa soo dhawaynta.

Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay imaatinka Madaxweyne Xasan sheekh ee Kismaayo oo intuu xilka hayay ay qabsoomeen waxyaabo fara badan oo qayb ka ah hanaanka Federaalka dalka oo ay ugu horeeyaan dhismaha Dowlad Goboleedyada.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in wax walba ay leeyahiin isbadalo kuwaas oo mudan in la wajaho oo wixii la qabto aan dib loogu noqon ee horay loosii wado isagoo wakiil ka ah Bulshada ree Jubbaland ayuu Madaxweynahu sheegay in uu Madaxweynahii hore kusoo dhawaynayo Jubbaland.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa u mahad celiyay dadweynaha iyo madaxda Jubbaland sida qadarinta leh ee ay usoo dhaweeyeen isagoo amaanay isku duubnida iyo wadajirka ree Jubbaland.

Waxaa uu intaas ku daray in hanaanka Federaalka dalka oo ay Jubbaland qayb ka tahay uu maalinba meel soo joogay isla markaana uu diyaar u yahay in la hormariyo oo la dardar galiyo maadama loo arkay in uu yahay wado dib loogu soo celin karo is aaminaada iyo dhismaha dowladnimada dalka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu intaas ku daray in ree Jubbaland ay gacmaha is qabsadaan oo ay ka shaqeeyaan hormarinta deegaanadooda iyo guud ahaan dalka.


Puntlandes.com

About The Author