Sawirro: Shir looga hadlay horumarinta degmada Bookh oo maanta ka dhacay degmadaas

20 Nov 2018 (Puntlandes) Maanta ayaa waxaa ka dhacay magaalada Bookh Shir looga hadlay horumarinta degmada Bookh oo ka tirsan gobolka Doollo ee deegaanka Soomalida.

Shirwaynaha ayaa waxaa ka qayb galay Maamulka Gobolka Doollo, kan Degmada Bookh iyo shacabka degmada, iyadoo looga wada hadlay baahiyaha Adeegyada asaasiga sida Cafimadka, biyaha iyo waxbarashada,

Balanqaadyadii ay galeen maamulka heer gobol iyo heer degmo

1-In laqodo Ceelal biyoodyo
2-In lahelo Adeega amaahda lacagaha ee Micro finance oo lasoo dajiyo Degmada xaruna ay unoqoto ama ay xafis kafurtaan, taaso fudaydinaysa in bil bil loo helo lacagta Capitalka iyo recurrent ga ay degmadu leedahy
3-Maalgalinta Shirkado loo sameeyo dhalinyarada shaqo la’aanta ee udhalatay degmada lasiiyana dhulal iyo lacago maalgashiya oo ay ku shaqaystaan
4-in ladhiso Dugsiyo sare/hoose/dhexe kuwii horena la dayactiro tayada waxbarashadana kor loo qaado
5-In la qalabeeyo Health centers kii sii jiray Dawo iyo shaqaale kufilana loo qabto, kuwa cusubna ladhiso

Puntlandes.com

About The Author