Maraykanka oo sheegay inuu 37 Alshabaab dilay

20 Nov 2018 (Puntlandes) Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM, ayaa sheegay in 37 ka mid ah dagaalyahannada Al-Shabaab lagu dilay duqeymo ka dhacay gobolka Mudug.

Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeymahan ay dhaceen 19-kii bishan oo ahayd maalintii isniinta.

Mid ka mid ah duqeymaha ayaa waxaa lagu dilay 27 ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana sida AFRICOM uu sheegay uu ahaa weerar qorsheysan oo sidii la rabay u dhacay,Weerarka labaad ayaa isna lagu dilay 10 ka mid ah Shabaab.

Labada weerarba waxay ka dhaceen deegaanno u dhow magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Ciidamada Mareykanka waxay sheegeen in weeraradan la fuliyey ayadfa oo gacan la siinayo dowladda federaalka Soomaaliya, oo wadda dagaal lagu wiiqayo Al-Shabaab.

“Duqeymaha waxay yareeyaan awoodda Al-Shabaab ay u lahaan karto mustaqbalka inay qorsheyso weeraro, islamarkaana la burburiyo hoggaanka shabakadan iyo xoriyadda dhaqdhaqaaqooda” ayaa lagu yiri qoraalka Mareykanka.

AFRICOM ayaa sheegtay inay ka go’an tahay in Al-Shabaab laga hor-istaago inay hesho gabaad ay ku dhisto cudud islamarkaana ku qorsheyso weeraro.

About The Author