Daawo Xubin ka mida xubnihii uu Camey magacaabay oo is casilay sheegayna DFS ay faragelin ku hayso doorashada Puntland

Filed under: Wararka maanta |

05 Dec 2018 (Puntlandes) Axmed Aadan Carab oo kamid ah Gudiga Khilaafka Baarlamaanka Puntland ee uu magacaabay Madaxwayne Ku xigeenka Puntland Cabdixakiim Camey ayaa xubinnimadii gudigaasi iska casiley.

Axmed ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenku xaq u laheyn inuu guddi magacabo, horayna aan loo arag taariikhda.

Axmed Aadan Carab ayaa caddeeyey in ay dawlada fadaraalku faragelin ku hayso doorashada Puntland, isagoo ugu baaqay inay faraha kala baxdo doorashada.

Dhanka kale Axmed ayaa ugu baaqay xubnaha kale ee guddiga Camey inay xilalkan loo magacaabay iska casilaan, ayna ilaaliyaan dadtuurka iyo xeerarka Puntland ku soo dhaqmaysay.

Puntlandes.com