Daawo Video-Sawirro: Sidee u socotaa shaqada dhismaha dekedda Garacad?

06 Dec 2018 (Puntlandes) Dhismaha dekedda Garacad oo si rasmi ah u daahfureen madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Islaan Basiir Islaan Cabdile dabayaaqadii bishii hore 23kii Nov 2018 ayaa waxay u socotaa si xawli ah.

Warbaahinta Puntlandes ayaa heshay sawiraddii u dambeeyey ee shaqada socota iyo muuqaal.

Munaasabadda lagu daahfurayey ayaa oo ka dhacday deegaanka Garacad ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweynaha Puntland, isimmo, odayaal dhaqameed, Xildhibaanno isugu jira labada gole ee dowladda federaalka, siyaasiyiin iyo xubno ka socda qaybaha bulshada oo boqollaal ruux gaaraya.

Mashruucani wuxuu noqonayaa mashruucii ugu horeeyey oo baaxadiisu intaas le’eg tahay oo si isku tashi ah ay u filinayaan shacabka ama Ganacsatada iyo dawladda Puntland, isagoo aan horay uga hirgelin mashruuc sidaan oo kale loo fulinayo gaar ahaan Soomaaliya iyo  guud ahaan gobolka geeska Afrika, waana wax ay Soomaaliyi oo dhami ku faani karto.


Puntlandes.com

About The Author