Maxaad kala socotaa wada hadalo dhex maray musharax Siciid Dani iyo Nabad & Nolol?

08 Dec 2018 (Puntlandes) Kullankii dhexmaray Xildhibaanada iyo wasiirada kala ah Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), Cumar Ismaaciil Waaberi, Sharmarke Garaad Saleebaan, Burhaan Aadan Xaad, Cabdulaahi Bidhaan, Maxamuud Xayir, Axmed Cawad iyo madaxweynaha dawladda Federaalka Farmaajo, kaas oo ujeedadu ahayd in dawladda Federaalku taageerto musharax Siciid Dani ayaa waxa kasoo baxay in Farmaajo u xilsaaray Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire inuu baaris kusoo sameeyo musharax Dani.

Xildhibaanada iyo wasiirada oo ah saaxiibada Ra’iisul wasaare Khayre ayaa waxay kullanka ku balan qaadeen inuu Dani si daacad ah ugu shaqayn doono haddii ay taageerto dawladda Nabad & Nolol.

Waxaa isla habeenkiiba Xildhibaan Cabdishakuur la galay Dani wadahalo dhanka teleefoonka ah, waxaana Nabad & Nolol ay aad u baarayeen Dani iyo ka mid ahaanshihiisa kooxda Dam Jadiid.

Musharax Dani ayaa u sheegay Xildhibaan Cabdishakuur, sida XOG rasmi ah ku helnay, in danta Puntland ay ku jirto danta dawladda Nabad iyo Nolol, inuusana ka tirasanyna u xirnayn Xisbi ama koox gaar ah.

Dani ayaa intaas kusii daray inuu daacad u yahay lana dhacsan yahay siyaasadda dawladda Nabad iyo Nolol, ulana shaqayn doono si dhow haddii uu xilka ku guulaysto.

Wada hadalaas ka dib Cabdishakuur ayaa u sheegay musharax Dani inuu ku qancay hadaladiisa horayna ay ugu sheegeen Ra’iisul wasaare Khayre iyo Xildhibaano iyo wasiiro ka soo jeeda Puntland uuna yahay nin la aamini karo dawladdana daacad u ah.

Xildhibaan Cabdishakuur ayaa intaas kusii daray in Ra’iisul wasaare Khayre uu aad u taageersan yahay laakiin sida heshiisku ahaa uu arinta doorashada Puntland u xilsaaran yahay madaxweyne Farmaajo uuna ku dadaalayo inuu ku qancin doono madaxweynaha inuu taageeradiisa siiyo musharax Siciid Dani oo ay ku jirto danta Nabad iyo Nolol.

Ugu dambaytii Siciid Dani ayaa uga mahadceliyey Xildhibaan Cabdishakuur aaminaada uu aaminay wuxuuna u balan qaaday inuu qaadan doono taladiisa iyo tusaalayntiisa haddii uu ku guulaysto xilka madaxweynaha Puntland.

Xildhibaan Cabdishakuur ayaa ah shaqsi aad ugu ololeeya siyaasadda Nobad iyo Nolol waana gacan yaraha Farmaajo, Khayre iyi Fahad.

Puntlandes.com

About The Author