Gudoomiye Mursal oo ka qaxay Villa Somalia

12 Dec 2018 (Puntlandes) Guddoomiyaha golaha Shacabka ee Baarlamaanka  JFS Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa ka guuray xafiiskiisa iyo hoygiisii uu kul ahaa xarunta Villa Uganda oo ku dhextaala Villa Soomaaliya, halkaasi oo maalmahaan uu ku uu ku go’doonsanaa.

Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxay ku adkaatay xildhibaanada inay ugu tagaan guddoomiyaha, waana tan keentay inuu ka guuro halkaas.

Guddoomiyaha ayaa qoraal uu soo dhgay bartiisa facebook ga oo dhigay ku sheegay inuu 48 saac ee lasoo dhaafay ku jiray ciriiri iyo cunaqabatayn wuxuuna soo sii raacshay inuu shacabka dhexdiisa degay inta albaabada Villa Somalia dib loo furayo.

Akhriso qoraal uu bartiisa facebook gas oo dhigay

Labaatan iyo seedeedii sano ee lasoo dhaafay waa marki ugu horeysay oo Gudoomiye Baarlamaan oo xil hayaa uu ka barakacyo hoygiisa, waxaana taas keenay Xukuumadda N&N

About The Author