War Saxaafadeed: Musharaxiinta isbedel doonka KG oo walaac ka muujiyay amniga Baydhabo

12 Dec 2018 (Puntlandes) Musharrixiinta isbedel doonka madaxabanaan ee Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS) waxay aad uga walaacsan yihiin iyadoo lagu jiro xilli xasaasi ah oo loona diyaargaroobayo doorashada madaxweynaha KGS in magaalada Baydhaba amnigeedi wanaagsanaa faraha laga sii bixinayo.

Waxaa xaaladahaa amni darrada ah abuuraya shaqsiyaad ka tirsan laamaha amniga ee Dowlad Goboleedka KGS, falalkaasi waxay saameyn weyn ku yeelan karaan ama sababi karaan in amnigii faraha ka baxo iyo weliba inaanay doorasho xor iyo xalaal ah ka dhicin magaalada Baydhabo oo ah caasimada kumeel gaarka ee KGS, sidaa darteed waxaan soo saarnay warmurtiyeedkan hoos ku xusan:

  1. Musharaxiinta madax banaan ee isbedel doonka KGS waxey canbaareynayaan
    dhacdadii maanta ka dhacdey magaalada Baydhabo, ka dib markii ciidamada amniga
    KGS rasaas ku fureen dad shacab ah oo banaan bax nabad gelyo ah ka dhigayey
    magaalada Baydhabo, taasoo sababtay dhaawaca dad rayid ah oo aan waxba
    galabsan,
  2. Waxaan murugada la qeybsaneynaa ehellada dadkii dhacdadaas ku dhaawacmey,
    ilaahayna uga baryeeynaa intii dhaawacantayna in uu caafimaad deg deg ah siiyo.
  3. Musharrixiinta waxay ugu baaqayaan Maamulka KGS in ay sharciga horkeenaan
    ciddii ka danbaysay falkaa arxan darrada ah.
  4. Musharrixiinta waxay xusuusinayaan laamaha amaanka KGS in dastuurku u oggol
    yahay in muwaadiniinta Soomaliyeed ay mudaaharaad nabad ah samayn karaan
    kuna cabbiri karaan afkaartooda si dimoqraadi ah, sida muwaadiniinta kale ee dalka
    qeybihiisa kale ay u bannaanbaxaan iyagoo aan cabburin kala kulmin laamaha
    aminga meelaha ay joogaan.
  5. Waxay laamaha amniga ugu baaqayaan in ay dhowraan xuquuqda shacabka rayidka
    ah, xurriyatul qoolka (free speech) iyo madax banaanida aragtida iyo ra’ayiga
    dadweynaha.
  6. Musharrixiinta Isbedel doonka madaxabanaan ee KGS waxay ugu baaqayaan
    laamaha amniga inay joojiyaan caburinta shacabka, kana fogaadaan wax allaale
    wixii keeni kara isku dhac bulsho.
  7. Waxay halkaan baaq ugu dirayaan dhammaan bulshooyinka ku nool deegaanada
    KGS in ay is dejiyaan, nidaamka ilaaliyaan, kuna dadaalaan nabadda iyo kala
    dambeynta islamarkaasna wada shaqeyn dhab ah la yeeshaan laamaha amniga ee
    Dowlad Goboleedka KGS.

Musharrixiinta:

  1. Dr. Ibrahim Moalim Nurow
    2. Sheikh Mukhtar Roobow Ali (Abu Mansuur)
    3. Adan Mohamed Nur (Saransoor)

Puntlandes.com

 

About The Author