Ciidamo loo diyaariyey inay sameeyaan banaanbax & inay Dilaan Xildhibaanada mucaaradka ah!!!

12 Dec 2018 (Puntlandes) Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaaya in Dawlada Federaalku diyaarisay, Ciidamo tababaro u socdeen iyo kuwa tababaranba, inay bari Banaanbax Farmaajo, madaxweynaha Mooshinku ka yaal, lagu taageeraayo sameeyaan.

Ciiidamadaan ayaa la qorsheeyey inay iska dhigaan shacab ka Gadoodsan Mooshinka xil ka qaadista ee Farmaajo.

Labadii maalin ee u danbeysay lacago ayaa loo qaybinaayey Ciidamadaan, waxaana la baraayey hab ay u wada shaqeeyaan.

Dhanka kale waxaa loo diyaariyey cutub ka tirsan ciidamada sida gaar ah u tababaran ee ka amar qaata Agaasime ku xigeenka NISA Fahad Yaasiin inay Qaarajiyaan ama dhibaato u geystaan Xildhibaanada Mucaaradka ah dawladda Nabad iyo Nolol.

Waxaana wararku sheegayaan inay jiraan Taliyayaal arintaas diidey oo la xiray.

Doraad ayey ahayd markii Xukuumaddu lacag ku soo abaabushay barakacayaasha si ay u sameeyaan banaanbax loo ekaysiiyey in lagu taageerayo Farmaajo.

Puntlandes.com

About The Author