Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday inay gebi ahaanba xirtay xabsiga Godka Jilacow

16 Dec 2018 (Puntlandes) Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday inay gebi ahaanba xirtay xabsiga Godka Jilacow oo ay gacanta ku hayeen Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka, isla markaana xarun u ahaa Taliska Nabadsugida Gobolka Banaadir.

Wasiirka Amniga iyo Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Godka Jilacow ayaa ku dhawaaqay in xabsigan la xiray, isla markaana loo bedelay Xarunta Akadeemiyada Jilacow.

Wasiiradan ayaa sheegay in codsi uga yimid shacabka iyo hey’adaha xuquuqul Insaanka loo xiray xabsigan.

Inkastoo dowladda Soomaaliya ku tilmaamtay in xirida xabsigan loo fiiriyay dhanka xuququul insaanka iyo cabashada shacabka, hadana waxaa ay weli dowladda wajaheysa eedeymo la xiriira dhinaca bani’aadanimada, xoriyatul qowlka, caburinta dadka ka aragti duwan iyo ku xadgudub awooda dawladnimo iyadoo ay u dhaqmayso kaligiitisnimo.

Puntlandes.com

About The Author