Sawirro: Guddiga Doorashooyinka Qaran oo diiwaangeliyay Xisbi uu hormuud u yahay Sheekh Shariif

17 Dec 2018 (Puntlandes) Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaran ayaa maanta diiwaan geliyay Xisbi uu hormuud u yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Xisbigan oo la magac baxay Himilo Qaran ayaa waxaa ka mid ah Mas’uuliyiin hore, Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Wada hadalo iyo wadatashiyo ka socday magaalooyinka Jabuuti iyo Nairobi oo ay lahaayeen Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa lagu heshiiyay in la qaato magaca Himilo oo ahaa magac Kudlad ay ku mideysnaayeen Xildhibaano iyo Senator ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka.

Wararka ayaa sheegaya in dhismaha Xisbiga uu weli dhiman yahay, isla markaana dhowaan la qaban doono shirweyne lagu dooranayo Guddoomiyaha KMG ee Xisbiga, kaasoo lagu qaban doono magaalada Muqdisho.

Nidaamka Xisbiyada badan ayaa la filayaa in Soomaaliya u guurto sanadaha soo socda, iyadoo ay socoto diiwaan gelinta Xisbiyada siyaasadda, waxaana la filayaa inta aanu dhammaan sanadkan in la soo gabagabeeyo diiwaan gelinta Musharaxiinta.

Xisbiga uu ka mid yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka mid noqonaya Xisbiyada ugu tunka weyn ee dalka marka loo eego xubnaha ka dhex mooqda, waxaana Xisbigan culus uu loolanka adag la geli doona Xisbiga dowladda ee dhowaan lagu dhawaaqi doono, Xisbiga UPD ee uu Hoggaaminayo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh iyo Xisbiyada kale ee la diiwaan geliyay.


Puntlandes.com

About The Author