WAA NOOCEE MUSUQMAASUQA LA OGOL YAHAY?

16 Dec 2018 (Puntlandes)  Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa go’aamisay inuu fasaxan yahay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arimaha Dibedda ee Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daauud, ka dib markii caddeyn loo waayey dacwadii lagu soo eedeeyay, marka laga reebo warqada hantidhowrka ee uu ka fujiyey xafiiska maamulka, taas oo uu ku mutaystay ganaax lacageed oo dhan $7000.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khaure wuxuu difaacay wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo Guddiga maaliyaddu kusoo eedeeyeen lacago badan oo si aan sharci ahayn loola baxay waxayna sababtay in Khayre ka shaqeeyo in Guddiga la kala diro. Arinta Gudiga ayaa isu baddeshay khilaaf u dhexeeya Guddoonka golaha Shacabka oo ilaa hadda xal loo la,yahay.

 

Sharciga la dagaallanka Musuqmaasuqu waa la jiifiyaana bannaan, wuxuu qabtaa oo kaliya dadka aan awoodda badan lahayn ama aan ku tiirsanayn qof awood badan.

 

Heseyeshee tani waxay meesha ka saaraysaa wixii Shacaba laga dhaadhiciyay ee ahaa dowladdu waxay la dirirtaa Musuqmaasuqa.

 

Waxaa kale oo markhaati ma doonto ah lacgaha aan xadka lahayn ee dowladdu ku meel mariso siyaasadaheeda guracan sida:

  • Lacagihi loo isticmaalay riditaankii Gudoomiye Jawaari
  • Dhisiddii Gudoomiye Mursal
  • Riditaankii Shariif Xassan
  • Dhisidda Cabdicasiis Lafta Gareen
  • Lacagihii loo qaybiyay xildhibaanadii KG ee lagasoo daabulay Baydhaba.

 

Intaa waxaa sii dheer lacagaha lagu burburiyay ama la isugu dayey in maamul Goboleedyada kale sida Galmudug, Hirshabeelle iyo hadda oo shaqada burburinta iyo qalalalaasuhu ka socdo Punland iyo Jubaland.

Arimaha aan kor kusoo sheegnay oo dhan waa daliil cad oo maanta Soomaliyi meel ay joogtaba ka dharagsan tahay, waxaana intaas kasii daran lacagaha sida khaaska ah loogu takri falo.

 

Ugu dannbayntii Dowladda social Media-ha waxay ku bixisaa lacag aan xadlayn taas oo hanatay quluubta shacab badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo kasoo daalay dowlad la,aan. Waxayna ku kadsoomeen borobogaandada la farsameeyay ee maalka badani ku baxay.

Waxaase iswaydin mudan imisaa dadka Facebook lagu maamuli doonaa, goormaase dadku baraarugi doonaan?

Puntlandes.com

About The Author