Dr Gaas oo ku dhowaaqay inuu yahay Musharaxa Madaxweynaha Puntland

18 Dec 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku dhowaaqay in uu mar kale u tartamayo xilka Madaxweynaha dawladda Puntland, kadib munaasabad ballaaran oo uu ugaga dhawaaqay Garowe.

Madaxweyne Gaas ayaa maanta Garowe kusoo bandhigay waxqabadkiisa waxaana uu codsaday in markale loo doorto xilka Madaxtinimadda Puntland. 8da bisha soo socota ayaa lagu wadaa in ay dhacdo doorashada madaxweynaha Puntlnad.

Daawo muuqaal ku saabsan waxqabadkii Madaxweyne Gaas mudadaii uu xilka hayey

Puntlandes.com

About The Author