Dowladda Itoobiya oo Qunsul cusub usoo magacaabatay Somaliland

18 Dec 2018 (Puntlandes)  Dawladda Itoobiya ayaa xilka ka qaaday Qunsulkii dowladda Itoobiya u joogay Somaliland, waxaana ay soo Magacowday Qunsul cusub oo loogu tala galay in uu ka shaqeeyo xiriirka Somaliland iyo dowladda Itoobiya.

Qunsulka cusub ee Itoobiya u joogi doona Hargeysa waxaa lagu magacaabaa Shamsudiin Axmed Rooble,waa Soomaali Itoobiyaan, Shamsudiin horay waxaa uu noqday Wasiir ku xigeen, Xildhibaan iyo Safiirka dowladda Itoobiya u qaabilsan dalalka Kenya iyo Jabuuti

Puntlandes.com

About The Author