Doorashada Madaxweynaha KG oo maanta dhaceysa & Ciidamo Itoobiyaan ah oo magaalada la wareegay

19 Dec 2018 (Puntlandes) Doorashada Koofur Galbeed ee muranka badan iyo xiisadaha siyaasadeed dhalisay ayaa maanta ka dhacaysa Baydhabo sida ay qorshaysay dawladda Federaalka,  iyadoo tan iyo xalay ay magaalada Baydhabo ka socotay diyaar garowga doorashada kaas oo amaanka lagu sugayo.

Sida wararku sheegayaan ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana gabi ahaan magaalada la wareegay Ciidamada Itoobiya iyo ciidanka Booliska Federaalka Soomaaliya oo ku taageeraya Itoobiyaanka.

Magaalada Baydhabo ayaa saaka ku jirta jawi ka duwan sidii hore, xaafadaha iyo waddooyinka ayaa waxaa ku sugan ciidamo Itoobiyaan ah, iyadoo magaalada wax dhaqaaq ah ka jirin.

Ammaanka Xarunta Madaxtooyada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la soo sheegayo in illaa afar goobood oo baaritaan ah la dhigay halka loo aado Madaxtooyada.

Waxaa la filayaa in uu Musharaxa ay dowladda Federaalku taageereyso C/casiis Lafta Gareen lagu dhawaaqo sidii horay loo sii saadaaliyey inuu noqday madaxweynaha KG.

Mukhtaar Roobow oo horay loo siiyay shahaadada Musharaxnimo ayaa ka qeyb galeyn doorashada, maadaama todobaadkii hore dowladda Soomaaliya ka soo xirtay Baydhabo, lana keenay Muqdisho.

Dhibaato badan oo khaasaare maal iyo nafba ah ayuu sababay qalalaasaha siyaasadeed ee Baydhabo ka taagan laakinn madaxda dawladda Federaalku waxay ku adkaysteen in musharaxoodu qiimo kasta ay uga dhigaan madaxweynaha KG.

Puntlandes.com

About The Author