Dowladda Federaalka oo wafdi Baydhabo u dirtay

19 Dec 2018 (Puntlandes) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wafdi Wasiiro ah u dirtay magaalada Baydhabo, halkaasoo lagu wado inay maanta ka dhacdo doorasho ay dawladdu ku soo saarayso Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye waxayna halkaas u gaareen si ay u soo saaraan musharaxooda Lafta Gareen, kaas oo ay ka dhalatay muran badan iyo qalalaase siyaasadeed.

Dhanka kale lama sheegin in doorashadan sidii caadada ahaan jirtay ay goobjoog ka noqonayaan wakiilo ka socda Beesha Caalamka, gaar ahaan Safiirada fadhigooda yahay Xarunta Xalane, iyadoo horay u soo saaray walaac ay ka qabaan qalalaasaha ka jiray Baydhabo.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa gaaray Xildhibaano la sheegay inay qeyb ka yihiin ololaha Musharaxa dowladda wadato C/casiis Lafta Gareen, si ay ugu taageeraan in doorashada ku guuleysto.

Ammaanka guud ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa la wareegay Ciidamada Itoobiya, si aad ahna waa loo adkeeyay, iyadoo magaalada wax dhaq dhaqaaq ka socon, waana isla Ciidamada Itoobiya wixii todobaad ka hor Musharax Mukhtaar Roobow ka soo xiray Baydhabo.

Puntlandes.com

About The Author